Guddiga SRC oo mushaar kordhin u sameynaya shaqaalaha dowladda

0
373

Guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC ayaa shaaciyay inuu shaqaalaha dowladda u sameynaya mushaar kordhin ah boqolkiiba 7 ilaa boqolkiiba 10.
Guddoomiyaha guddigan Lyn Mengich ayaa sheegtay in mushaarka la kordhiyay laga soo billaabi doono ama uu noqonaya mid dhaqan galay 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa sanad maaliyadeedkan guddiga SRC u qoondeysay lacag dhan 27.1 bilyan oo shilin.
Guddiga ayaa kulan uu maanta warbaahinta kula qaatay magaalada Nairobi ka sheegay in dib u eegista mushaaraadka ee la sameeyay lagu saleeyay kobac dhaqaale oo la diiwaangeliyay tan iyo markii laga gudbay cudurka Covid-19.
Lyn Mengich ayaa intaasi ku dartay in kordhinta mushaarka ay noqonaysa mid socon doonto muddo labo sano ah oo sanadkiiba isku celcelis ahaan dhan boqolkiiba 3.