Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ayaa sheegay in 39 qof ay ku dhinteen dibadbaxyadii waddanka ka dhacay ee looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Guddiga KNCHR ayaa bayaan ku sheegay in tiradan la diiwaangeliyay laga soo billaabo 18-kii bishii hore ee June ilaa koowdii bishan Toddobaad ee July.
Guddigan ayaa hoosta ka xarriiqay in ay jireen kiisas gaaraya 32 oo ah dad la waayay.
Sidoo kale waxaa uu diiwaangeliyay in la xiray 627 oo dibadbaxayaal ahaa.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu tirada dadka lagu dilay dibadbaxyada ku sheegay 19 qof.