Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha oo doonaya in dowladda aynan keliya bixin magdhow lacageed

0
231

Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR ayaa sheegay in aan loo baahnayn in magdhowga ay dowladdu siinaysa dadkii ku waxyeelloobay dibadbaxyadii dalka ka dhacay tan iyo sanadkii 2017-kii uu ku koobnaado mid lacageed.
Waxay guddiga gaarka ah ee uu madaxweyne William Ruto u xil saaray arrintan ugu baaqeen inuu si qoto dheer u qiimeeyo kiisaska si loo hubiyo daahfurnaan iyo caddaalad.
Ku xigeenka agaasimaha barnaamijyada guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha Simon Omondi ayaa sheegay in loo baahan yahay in magdhowga qofka la siinaya lagu saleeyo baaxadda dhibka gaaray.
Madaxweynaha dalka ayaa guddiga uu hoggaamiyo Prof. Makau Mutua u qabtay muddo 120 cishe ah oo lagu dejinaya nidaamka bixinta magdhowga.
Hasa ahaate , KNCHR ayaa doonaysa in muddadan la kordhiyo si barnaamijkan looga qayb geliyo dadweynaha sidoo kalena loo sameeyo geeddisocodyada kale.
Guddiga ayaa dowladda ku eedeyay ku xadgudubka xuquuqda dastuuriga ee shacabka ee la doonaya in ay ilaaliso.
Warbixinta KNCHR waxaa ku cad in 2020 ilaa 2022-kii la dilay 7 qof oo u doodayay xuquuqul insaanka, 2 in la waayay halka 132 kalena la xiray.
Guddiga ayaa hadda dalbanaya in dowladdu ay si buuxda u dhaqangeliso xeerarka damaanaqaadaya xurriyadaha iyo xuquuqda muwaadiniinta.