Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay kordhiso muddada kama dambeyska ah ee loo qabtay in shacabka waqooyiga gobolka Rift Valley ay ka guuraan meelo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleystaan burcadda.
Muddadan ayaa ku ekeyd abaare 7:30 ee fiidnimo ee xalay sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
Hasa ahaate guddiga xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muddadan oo la kordiyo ay fududeyn doonto in goobaha la tuhunsan yahay laga soo daad gureeyo shacabka.
Goobahan oo gaaraya ilaa 27 ayaa ku yaalla ismaamullada kala ah Turkana, Elegeyo Marakwet, Baringo, West Pokot, Samburu iyo Laikipia .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in marka la billaabo wajiga labaad ee howlgalka amni in cidii meelahaasi lagu arko loo aqoonsanaya inay ka mid tahay ama ay taageerto kooxaha burcadda ee gaysta dilalka iyo dhaca xoolaha.
Guddoomiyaha guddiga KNCHR Roseline Odede ayaa su’aal gelisay halka la geynaya rayidka lagu amray in ay ka baxaan meelihii ay degganaayeen.
Guddigan ayaa qabo haddii aan amarka dowladda laga fiirsan in dhaqangelintiisa ay ka dhalan karto xaalad baniaadannimo oo daran.