Guddiga qaran ee wada hadallada siyaasadeed oo beeniyay inay kala qaybsanaan jirto

0
352

Guddoomiyaasha guddiga qaran ee wada hadallada siyaasadeed ee isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio ee kala ah Kimani Ichung’wah iyo Kalonzo Musyoka ayaa gaashaanka u daruuray warar la faafiyay oo tilmaamaya in xubnahan ay kala qaybsanaan soo kala dhex gashay.
Tani ayaa timid ka dib markii garabka mucaaradka ee Azimio oo shalay yeeshay shir ay albaabadu u xirnaayeen uu su’aal geliyay arrimo dhawaan dhacay oo ay ka mid tahay afduubkii loo gaystay madaxii hore ee kooxdii Mungiki , Maina Njenga.
Sidoo kale waxay dowladda ku eedeyeen inay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha mucaaradka kala laabatay ciidamadii ilaalinayay.
Hasa ahaate ,Kalonzo Musyoka ayaa xusay inaynan jirin kala qaybsanaan siyaasadeed oo saameyn ku yeelanaysa geeddisocodka wada xaajoodyada.
Waxaa sidoo kale arrinkan sii adkeeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna madaxa xubnaha garabka dowladda ku matalaya wada hadallada , Kimani Ichung’wah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maanta ku egtahay mudadii uu guddigan u qabtay kenyaanka si ay u soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan wada hadallada iyo qodobbada ay doonayaan in miiska la soo saaro.
Guddiga laba geesoodka ah ayaan weli si rasmi ah u billaabin inuu ka doodo ilaa shan qodob oo lagu heshiiyay.
Mucaaradka ayaa dalbanayay in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo hannaankii doorashadii guud ee sanadkii hore iyo in meesha laga saaro dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan balse dhinaca dowladda ayaa arrimahan ka caga jiidaya.
Madaxa mucaaradka ee Azimio , Raila Odinga ayaa horay wacad ugu maray in haddii ay u soo baxdo in wada hadallada aan daacad laga ahayn ay adeegsanayaan qaab kale.