Guddiga qaran ee ka falcelinta saameynta El Nino oo Khamiista kulan yeelanaya

0
272

Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinka Khamiista ee toddobaadkan ay kulan yeeshaan xubnaha guddiga qaran ee qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa amar ku bixiyay in kulankan uu qabsoomo.
Gachagua ayaa laga soo xigtay in kulanka uu billaaban doono abaare 10-ka barqanimo ee 28-ka bishan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xubnaha guddiga qaran ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ay qiimeyn doonaan sida wadanka uu ugu diyaar garoobay saameynta roobabka.
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu habboon ee looga falcelin karo saameynta laga cabsi qabo inay ka dhalato roobabka deyrta ah ee la rajeynaya inay billowdaan bisha soo socoto.
Xubnaha guddiga ayaa dhanka kale eegi doono caqabadaha dhinaca biyo mareennada ee ka jiro wadanka.
Kulanka waxaa ka qayb geli doono daneeyayaal kala duwan oo matalaya wasaaradaha dowladda dhexe ,hay’adaha dowladda , saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka , hay’adaha samafalka iyo dhammaan barasaabyada 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa horay u shaacisay in roobabkan culus ay di’i karaan inta u dhexeysa bisha Tobnaad ee sanadkan ilaa horraanta sanadka dambe waxaana hadda qaar ka mid ah ismaamullada ka socdo wacyigelin loo sameynaya dadweynaha oo ku aaddan sida ay uga feejignaan karaan saameynta roobabka.