Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa bayaan uu soo saaray galinkii dambe ee shalay ku sheegay in laga billaabo maalinka Arbacada ee isbuuca soo socdo uu turxaan bixin sameyn doono.
Waxaa la turxaan bixinaya 477 qof oo ka mid ah 9,154 soo dirsaday codsiyo ay ku daneynayaan xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Muddada la qabanayay codsiyadan ayaa ku ekeyd 27-kii bishii hore.
Guddiga PSC ayaa laga soo xigtay in turxaan bixinta ay billaabanaysa 12-ka bishan oo ayna socon doonto ilaa 22-ka Oktoobar.
Shakhsiyaadka ku soo baxo turxaan bixinta ayaa magacyadooda lagu wareejin doonaa madaxweynaha dalka William Ruto si uu u magacaabo.




