Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa 12-ka bishan Oktoobar oo berri ku beegan turxaan bixin billaabi doono.
Waxaa su’aallo la waydiin doonaa 585 qof oo doonaya inay qabyaan xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Turxaan bixinta ayaa socon doonto muddo 10 cisho ah ilaa 22-ka bishan.
PSC waxay qorsheynaysa inay maalintii dhinac iskaga dhigto ku dhawaad 60 codsiyo ah.




