Guddiga PPDT oo go’aan ka soo saaray muranka ka dhexeya Kanini Kega iyo Jeremiah Kioni ee xisbiga Jubilee

0
237

Guddiga qaabilsan xallinta murannada siyaasadeed ee (PPDT) ayaa soo saaray go’aan uu ku hakinaya in wax shir ah ay qabtaan garabka xisbiga Jubilee ee taabacsan Kanini Kega oo ka tirsan golaha xeer dejinta bariga Afrika ee EALA.
Waxaa uu muranka ka dhexeya Kanini Kega iyo Jeremiah Kioni oo labaduba sheegaya inay yihiin xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee.
Hasa ahaate, David Murathe oo ahaa guddoomiye ku xigeen iyo xoghayihii guud ee Jubilee Jeremiah Kioni ayaa cabasho u gudbiyay guddiga qaabilsan xallinta murannada siyaasadeed ee PPDT iyagoo ku dooday in kooxda uu hoggaamiyo Kanini Kega aynan u hoggaansamin amar maxkamadeed.
Amarka maxkamadda ayaa ahaa in kaliya Jeremiah Kioni loo ogol yahay inuu xisbiga u hadlo.
Khilaafka ka dhex taagan Jubilee ayaa soo billowday horraantii sanadkan.