Guddiga PCPB oo uga digay Kenyaanka sunta cayayaanka been abuurka ah

0
141

Guddiga Maareynta Sunta Cayayaanka ee dalka (PCPB) ayaa uga digay shacabka isticmaalka sunta cayayaanka ee been abuurka ah, isagoo xusay in la xoojiyay howlgalka lagu qabanaayo dadka keena ama isticmaala alaabtan sharci darrada ah.
Digniintan ayaa timid ka dib markii guddiga, isagoo kaashanaya Waaxda Dambi Baarista (DCI), ay qabteen 23 qof oo ka shaqeeya beeraha iyo laba ganacsade oo lala xiriiriyay keenista iyo isticmaalka sunta cayayaanka oo aan diiwaangashaneyn.
PCPB ayaa sheegay in keenista iyo isticmaalka sunta noocan ah ay jebinayso Qodobada 3(1) iyo 4(1) ee Sharciga Sunta Cayayaanka, isla markaana ay khatar weyn ku yihiin caafimaadka dadka iyo deegaanka. Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in ganacsatada agabka beeraha, beeraleyda iyo shacabka guud ahaan ay ka fogaadaan iibinta, qaybinta, haynta iyo isticmaalka sun cayayaan oo sharci darro ah.
Guddiga ayaa sheegay inuu sii wadi doono kormeerka, baarista iyo howlgalada fulinta sharciga ee dalka oo dhan si loo ilaaliyo beeraleyda, macaamiisha iyo deegaanka. Waxaa sidoo kale lagu booriyay ganacsatada agabka beeraha inay hubiyaan inay haystaan rukhsadaha saxda ah isla markaana ay iibiyaan oo keliya sun cayayaan oo guddiga oggolaaday.
Shacabka ayaa lagu dhiirrigeliyay inay soo sheegaan ganacsatada ama beeraleyda isticmaala sunta sharci darrada ah iyagoo la xiriiraya hay’adaha amniga ama guddiga PCPB. Digniintan ayaa timid bil ka dib markii Guddiga Daawooyinka iyo Sunta (PPB) uu sidoo kale uga digay Kenyaanka daawooyinka kansarka ee been abuurka ah ee lagu arkay suuqyada caalamka.