Guddiga maamulo sanduuqa qaran ee caymiska caafimaadka ,NHIF ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu bannaan yahay xilka madaxa fulinta ee waaxdan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddo xileedka madaxa fulinta ee NHIF Dr. Peter Kamunyo uu ku egyahay 14-ka bisha Afaraad ee sanadkan.
Guddoomiyaha guddiga maamulo NHIF ,Michael Kamau ayaa sheegay in mar dhow la guda geli doono shaqaaleysiinta madaxa fulinta ee waaxdan.
Sidoo kale guddiga ayaa Dr .Peter Kamunyo uga mahadceliyay muddadii uu soo shaqeynayay iyo dadaalkii uu bixiyay.
Dr. Kamunyo ayaa NHIF ku biiray sanadkii 2020-kii.