Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa ismaamulka Marsabit ka furay xafiis ka shaqeyn doono wadajirka bulshada halkaasi ku nool.
Cabdicaziiz Faarax oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NCIC ayaa sheegay in tallaabadan ay ka mid tahay dadaallada lagu adkeynayo nabadgalyada dowlad deegaankaasi ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guddiga NCIC ay ka go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalo beeleedyada ku soo noqnoqday Marsabit.
Sidoo kale waxaa uu xusay in xafiiska laga hirgeliyay Marsabit uu fududeyn doono in dhibaatooyinka ismaamulkaasi ka dhaco halkaasi lagu xallin doono.




