Guddiga NCIC oo Uhuru iyo Ruto ugu baaqay inaynan xasarad abuurin

0
507

Guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC Samuel Kobia ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ku boorriyay inay joojiyaan hadallada ay goobaha fagaaraha ah isku weydaarsanayaan ee dalka xasarad u horseedi karo.
Waxaa uu sheegay in dadweynaha ay fiirsanayaan labada hoggaamiye si ay hormuud uga noqdaan qabsoomidda doorasho nabad ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku xigeenkiisa dhaliil u jeediyay isagoo sheegay inuusan u qalmin hoggaaminta wadanka.
William Ruto ayaa dhankiisa u jawaabay madaxweynaha wuxuuna u soo jeediyay inuu bannaanka iskaga maro, uunan magaciisa soo qaadin sidoo kalena uu fursad aan faragelin lahayn u siiyo la tartamidda Raila Odinga