Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa sheegay inuu taageero dhanka caafimaadka maskaxeed ah siin doono dhibbanayaasha falalka burcadnimo ee saameeyay waqooyiga gobolka Rift Valley.
NCIC ayaa hoosta ka xarriiqday in xadgudubyo laga gaystay gobolkaasi ay si gaar ah u taabteen dhibbanayaal inta badan nabad ku noolaa.
Guddiga ayaa warbixin ku xusay inuu sidoo kale geeddisocod dib u heshiisiin ah ka billaabi doono ismaamullada Laikipia, Samburu, Baringo, Isiolo, West Pokot, Elgeyo Marakwet, Turkana iyo Marsabit.
NCIC ayaa sidoo kale dowladda dhexe kula talisay inay la timaado siyaabo lagu xoojinaya isdhexgalka iyo wada shaqeynta bulshooyinka ay dagaalladu kala qaybiyeen.
Home Wararka Kenya Guddiga NCIC oo talasiin maskaxeed siin doono dadka ay saameeyeen falalka burcadda