Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kormeerka doorashada guud ee wadanka Zambia oo loo asteeyay 12-ka bishan sideedaad.
Tani ayaa timid ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dalladda dhaqaale ee bariga iyo koonfurta Afrika ee (COMESA).
Waxaa guddiga NCIC kormeerka ku matali doono saraakiisha sar sare ee kala ah Sam Kona, Dr. Danvas Makori iyo Dorcas Kedogo.
Mr. Kona ayaa sheegay in arrintan ay guddigu u tahay fursad uu wax uga ogaanaya meelaha laga liita iyo adkeysiga la xiriira qorsheynta sidoo kalena qabashada doorashada.