Guddiga Midowga Yurub oo taageeraya ganacsiga Kenya

0
242

Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo iskaashi dhaqaale oo ay ku heshiinayaan Kenya iyo waddamada xubnaha ka ah EU-da.
Waxaa uu qorshuhu yahay in heshiiskan la saxiixo bisha 6-aad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu maanta magaalada Brussels ee dalka Belgium kulan kula qaatay ku xigeenka madaxa fulinta ee guddiga Midowga Yurub Valdis Dombrovskis .
Mr. Dombrovskis ayaa xusay inay ku dadaalayaan sidii badeecooyinka Kenya loogu iibgeyn lahaa suuqyada Yurub.
Madaxweyne Ruto ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay kaalinta maalgashi ee ay ka qaataan gudaha wadanka iyo si guud Afrika.
Waxaa kulanka maanta sidoo kale ka qayb galay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Dr.Alfred Mutua, wasiiradda caafimaadka Susan Nakhumicha , dhigeeda maaliyadda Njuguna Ndungu iyo wasiiradda arrimaha deegaanka Soipan Tuya.