Guddiga masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi ayaa bayaan uu maanta soo saaray waxaa uu ku dhaliilay go’aan dhawaan ay qaateen saddex ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Xaakinnada ayaa sheegay in dadka isku jinsiga ee wax iska daya iyo labeebka ay xaq u leeyihiin inay sameystaan ururro matala oo xuquuqdooda u dooda.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee guddiga masjidka Jamia, Cabdulbari Xamiid ayaa bayaanka ku sheegay in go’aanka maxkamadda uu yahay mid lala yaabay , aan la soo dhaweynayn sidoo kalena aynan aqbalayn kenyaanka qadariya diinta , dhaqanka iyo xiriirka qoyska.
Guddiga ayaa sheegay inuu si la mid ah kenyaanka iyo ururrada kale ee diimeed si kulul u cambaareynaya go’aanka maxkamadda oo uu ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
Bayaanka waxaa sidoo kale lagu bogaadiyay go’aanka garsoorayaasha kala ah William Ouko iyo Maxamad Ibraahim oo arrintan ka soo horjeestay.
Guddiga masjidka Jamia ayaa sheegay in bulshada muslimiinta ah aynan marnaba aqbali doonin in qorshahan xeer ahaan loo dhaqangeliyo iyadoo dhanka kale kenyaanka lagu boorriyay inay aad uga taxadaraan isku dayada lagu saameynaya diinta iyo dhaqanka suubban.
JAMIA MOSQUE OPPOSE SUPREME COURT JUDGEMENT ON LGBTQ. #SayNoToLGBTQinKENYA pic.twitter.com/OW8SYwDeoi
— Jamia Mosque Nairobi (@jamia_mosque) February 28, 2023
Dhanka kale hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare Aaron Cheruiyot iyo dhigiisa baarlamaanka Kimani Ichung’wah ayaa arrin aan la qaadan karin ku tilmaamay go’aankii maxkamadda ka soo baxay jimcihii.
Cheruiyout ayaa cambaareeyay wuxuuna ku sheegay qorsho lagu dhaawacaya anshaxa.
Ichung’wah ayaa dhankiisa sheegay in Kenya aynan mudnaan siinayn xuquuqda dadka isku jinsiga ee wax iska daya.




