Guddiga maaliyadda baarlamaanka oo billaabay wada tashi ku saabsan xeerka canshuurta

0
223

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta qaranka ayaa billaabay inuu daneeyayaal kala duwan kala hadlo soo jeedinnada la xiriira xeerka qaran ee canshuuraha.
Xeerkan ayaa la doonaya in lagu maamulo nidaamyada canshuur uruurinta ee gudaha wadanka.
Waxaa looga gol-leeyahay in heerka canshuurta la gaarsiiyo boqolkiiba 25 si raasimaal loogu helo qarashaadka ku baxo ajeendayaasha horumarineed ee dowladda.