Afar bilood ka dib markii Senatarka Busia Okiya Omtata uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu u tartamo jagada madaxtinimo ee doorashada 2027-ka ayuu guddiga uu u xilsaaray inay soo uruuriyaan fikradaha Kenyaanka in ay doonayaan inuu tartamo iyo inkale iyo arrimaha ay doonayaan inuu fuliyo haddii uu xafiiska soo galo.
Guddiga ayaa maanta booqday ismaamulka Nakuru halkaas oo kalfadhi ay kula yeesheen qaar ka mid ah bulshada ismaamulkaas.
Madaxa guddiga ayaa warbaahinta la wadaagtay in loo igmaday inay kalfadhiyo gaar ah la yeeshan bulshooyinka kala duwan ee dalka.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb galay kalfadhiga.