Guddiga JSC oo berri su’aalo weydiin doono shakhsiyaad soo codsaday jagada madaxa cadaaladda

0
459

Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinta berri ah uu guddiga adeegga garsoorka ee JSC su’aalo weydiin qiimeyn ah ku sameeyo ilaa 10 qof oo soo dirsaday codsiyo ay ku doonayaan in ay ku buuxiyaan jagada madaxa cadaaladda ee Kenya oo uu howlgab ka noqday David Maraga.
Shakhsiyaadkan ayaa berri ka soo hormuuqan doona guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
JSC ayaa sheegtay in qiimeynta lagu qaban doona dhismaha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee magaaladatani Nairobi iyadoona la soo gabagabeyn doona 23-ka bishaan.
Waaxda garsoorka Kenya ayaa sheegtay in horaan loo soo gudbiyay 13 codsiyo balse lagu soo koobay 10.
Garsoore Chitembwe Saciid Juma ayaa noqon doono mas’uulka ugu horreeya oo su’aalaha la weydiin doona berri abaare 9-ka subaxnimo.
Garsoorayaasha iyo garyaqaanada kale ee qiimeynta lagu sameyn doona ayaa kala ah Prof .Kameri Mbote, Koome Martha, Marete Njagi , Philip Murgor , Mathew Nderi , Fredric Ngatia , Ouko William Okelllo , Dr Moni Wekesa iyo Yano Alice Jepkoech.