Guddiga JSC oo baaritaan ku sameynaya garsoore ka tirsan maxkamadda deegaanka

0
190

Guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee (JSC) ayaa billaabay inuu baaritaano ku sameeyo garsoore Maxamad Nuur Kuulow oo ka howlgalo maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Xaakinkan ayaa ku eedeysan inuu ku kacay habdhaqan xumo wayn.
Waxaa uu ka mid yahay afar garsoorayaal oo kiiskooda loo gudbiyay madaxweynaha dalka William Ruto si uu u soo magacaabo guddi baaraya habdhaqankooda.
Waxaa liiskan madaxweynaha la wadaagtay guddoomiyaha guddiga JSC ahna madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome .
Garsoore Maxamad Nuur Kuulow ayaa loo haystaa inuu ka dib dhacay ama uu ku guul dareystay inuu go’aamo ka soo saaro 116 kiisas ah.
Waxaa guddiga adeegga cadaaladda ee dalka ee JSC loo gudbiyay ilaa shan dacwadood oo lagu doonaya in xaakinka uu xafiiska banneeyo.
Martha Koome ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ka guddi ahaan ay ku qanceen 3 ka mid ah kiisaska la horgeeyay ee ka dhanka ah garsooraha kuwaasi oo la xiriira waxqabad xumo , habdhaqan aan wanaagsanayn iyo ku xadgudubka nidaamyada anshaxa ee u degsan JSC.
Martha Koome ayaa laga soo xigtay in afarta garsoorayaal ee magacyadooda loo gudbiyay madaxweynaha dalka ay tan iyo bishii koowaad ee sanadkii hore ka timid cabashooyin gaaraya 85.
Hasa ahaate waxaa meesha laga saaray 37 dacwadahan ka mid ah oo aan lagu qancin.