Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay magacaabidda 9 xubnood oo ku biiraya guddiga howlaha baarlamaanka dalka ee HBC.
Tani ayaa timid ka dib markii xubnahan ay soo xuleen hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah iyo madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay Junet Maxamad.
Xubnaha magacaabidooda la meel mariyay ayaa kala ah Omboko Milemba, Robert Mbui, Faith Wairimu Gitau, Samuel K. Chepkonga , Aadan Keynaan Weheliye , Tom Joseph Francis Kajwang’ Sarah Paulata Korere, Joshua Mbithi Mwalyo iyo Umul Kheyr Qaasim Sheekh.
Waxaa ay la shaqeyn doonaan guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula oo sidoo kale guddigan hoggaaminaya , hoggaamiyaha aqlabiyadda, madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay iyo mas’uuliyiinta isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio u qaabilsan dhanka nidaamka iyo abaabulka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula ayaa xubnaha guddigan faray in ay si degdeg ah u billaabaan fadhiyadooda si loo dejiyo qorshaha howlaha baarlamaanka.
Sida ku qeexan xeer hoosaadka 171-aad ee baarlamaanka, waxaa uu guddiga HBC u xil saaran yahay inuu soo saaro ama uu isbeddel ku sameeyo jadwalka golaha qaran ee xeer dejinta oo ay xildhibaannada ansixinayaan, sidoo kale waxaa uu korjoogteyn ku sameeyaa dhaqangelinta barnaamijyada baarlamaanka iyo xeer hoosaadyada la xiriira shaqooyinka guddiyada kala duwan.