Guddiga horumarinta ganacsiga ee dalka oo la soo dhisay

0
133

Wasaaradda maalgashiga , ganacsiga iyo warshadaha ee dalka ayaa maanta soo bandhigtay guddiga horumarinta qorsho-howleedka isbeddellada ganacsi ee Business Reforms Action Plan Development Committee.
Guddigan ayaa ka shaqeyn doono sare u qaadidda maalgashiga caalamiga ee Kenya.
Waxaa guddigan hoggaaminaya wasiiradda wasaaradda ganacsiga ee dalka Rebecca Miano iyo xoghayaha joogtada ah ee waaxda horumarinta maalgashiga Abubakar Xasan.
Qaar ka mid ah xubnaha guddigan ayaa matalaya waaxyaha gaarka ah waxayna ka shaqeyn doonaan wanaajinta jawiga maalgashiga ,in ay ka baaran degaan tallaabooyinka ay khatarrada ka dhalan karaan , habeynta , dardargelinta iyo isku dubaridka howlaha maalgashiga.
Ujeeddada kale ee laga leeyahay guddiga la soo dhisay ayaa ah in jawiga maalgashiga uu noqdo mid baahsan oo soo jiidasho leh.
Wasiiradda ganacsiga ee dalka Rebecca Miano ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay qaadatay go’aan ah wax ka qabashada maalgashiga tooska ah ee dibadda iyo midka maxalliga iyadoo meesha laga saaraya caqabadaha jira.
Miano ayaa intaasi ku dartay in dowladdu ay ka go’an tahay in isbeddel ballaaran lagu sameeyo arrimaha ganacsiga si loo abuuro jawi waxtar leh oo soo jiidanaya maalgashatada.
Rebecca Miano ayaa sheegtay in meelaha diiradda la saari doono ay ka mid yihiin in la yareeyo culeysyada la xiriira u hoggaansanka xeerarka ganacsi , dhaqangelinta isbeddello dhinaca canshuurta ah , fududeynta geeddisocodyada kala duwan si uu ganacsiga u kobco.