Guddiga FEIT ee Soomaaliya oo shaaciyay tirada xildhibaannada qaadatay shahaadada

0
483

Guddiga doorashooyinka heer federaal FEIT ee Soomaaliya , ayaa qoraal ay bartooda Facebook-ga soo dhigeen ku sheegay in howsha bixinta shahaadada ay si dardar ah ku socota xilli dhaarinta xildhibaannada cusub ay maalmo un ka harsantahay.
Waxaa isla qoraalkaas ku sheegeen in tirada xildhibaannada ilaa haatan qaatay shahaadada ay gaaraysa 200 oo xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya.
Guddiga FEIT ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka doorasho uu aaday,” dadweynoow doorashaa loo dareeray!” ayay ku dhaheen qoraalkooda.
Dhanka kale, waxaa maanta shahaadada xildhibaanimo qaatay hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ahna musharrax madaxweyne Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.