Guddiga eegaya CBC oo dadweynaha ugu baaqay inay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aadan manhajkan

0
501

Xubnaha guddiga uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay dib u eegista manhajka waxbarashada ee CBC ayaa dadweynaha ku wargeliyay inay soo gudbiyaan fikradahooda iyo talooyinkooda ku aadan manhajkan.
Warbixin uu guddigan maanta soo saaray, ayuu tilmaamay in xubnaha bulshada ay ra’yigooda ku aadan manhajka CBC ay ugu dambeyn soo gudbiyaan 18-ka bishan 11-aad ee sanadkan ama ka hor.
Talooyinkooda ayaa waxay dadweynaha ku soo gudbin karaan email-ka ah secretariat@educationreforms.go.ke.
Guddigan oo ka kooban 42 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Prof. Raphael Munavu.
Horraantii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka William Ruto uu magacyadooda ku soo bandhigay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Waxaa guddiga laga doonaya inuu darasaad ku sameeyo dhammaan xeerarka lagu maamulo tacliinta aasaasiga ah oo ayna soo jeediyaan isbeddelo lagu sameyn karo sharciyadan.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah in meesha laga saaro culeysyada la xiriira nidaamka CBC ee ay qaar ka mid ah waalidiinta dalka cabasho ka muujiyeen.
Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa soo jeedin doono sida fursado waxbarasho oo ay kenyaanka kale kala siman yihiin u heli karaan dadka ku dambeeya dhinaca adeegyada bulsho iyo dhaqaalaha, bulshooyinka nugul, carruurta iyo Shakhsiyaadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Guddigan ayaa looga baahan yahay inuu labadii biloodba madaxweynaha dalka ku wareejiyo warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay.