Guddiga EACC oo doonaya inuu la wareego dhismaha uu ku yaalla xafiiska qaadiga ee Upper Hill

0
237

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maxkamadda u gudbiyey dacwad uu ku doonaya in lagu wareejiyo dhismaha uu ku yaalla xafiiska qaadiga ee xaafadda Upper Hill ee ismaamulka Nairobi.
EACC ayaa baaritaano ay sameysay ku xaqiijisay in shirkad gaar ah ay dhismahan si sharci darro ah ugala wareegtay xildhibaankii hore ee Makueni Peter Eliud Maundu.
Guddiga ayaa dacwad ka gudbiyey Mr. Maundu, shirkadda Swanya Limited iyo agaasimayaasheeda kala ah Victor Ogeto iyo Janet Ogeto.
Sidoo kale waxaa dacwaddan qayb ka ah guddoomiyihii hore ee arrimaha dhulalka Wilson Gachanja oo ku eedeysan inuu khiyaano sameeyay oo uu ku takriifalay awoodiisa.
EACC ayaa sheegtay in Mr. Maundu uu dhulka lagu dhisay dhismaha oo ay dowladdu lahayd uu la wareegay 10-kii bishii Saddexaad ee sanadkii 1994-tii isagoo shirkadda Swanya uga sii iibiyay in ka badan 10 milyan oo shilin.
Qoraal uu guddiga soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa ku cad in Wilson Gachanja uu xildhibaankii hore ee Makueni sidoo kalena soo noqday wasiir ku xigeenkii wasaaradda beeraha Peter Eliud Maundu uu dhulka si aan sharci ahayn u siiyey.
In kastoo uu dhismahaasi ku yaalla xafiiska qaadiga ee Nairobi waxay EACC dalbanaysa in meesha laga saaro lahaanshaha shirkadda gaarka ah oo si buuxda loogu wareejiyo waaxda garsoorka ee dalka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay kiiskan dhageysato 3-da bisha Toddobaad ee sanadkan.