Guddiga doorashada Soomaaliya oo ka hadlay in kirada guryahooda ee iska bixin waayeen

0
445

Xilli doorashada Golaha shacbaka ay ka socota dalka Soomaaliya ayaa guddiga doorashooyinka ee heer federaal waxaa ay sheegeen inay haysato cabaqad dhaqaale oo ay la qabaan sidoo kale guddiyada heer maamul goballeed.
Afhayeenka guddiga doorashada ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah aysan qaadanin wax mushahaar ah, guddigana uu soo foodsaaray dahaqaala yaraan baahsan.
Waxaa ay sidoo kale beeniyeen in guddiga guryahooda laga saaray ayna been abuur tahay waraqadda baraha bulshadda la kula dhex marayo ee lagu sheegay in guddiga la siiyay maalmo kooban in ay uga baxaan guryaha ay deggan yihiin.
Guddiga ayaa sheegay in dhaqaalihii loogu tala galay doorashooyinka aan loo helin sidii la rabay islamarkaana beesha caalamka ay shuruudo ku xirtay bixinta dhaqaalahaas, Sida uu afhayeeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmad Aadan Dagaal (Axmad Safiina) oo uu warramay laanta afka soomaaliga ee BBC-da.
Arrintan ayaa kusoo adeyso iyadoo la qorsheeyay in doorashada golaha shacabka la soo gabagabeeyo 25-ta bishan.