Guddoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal ee Soomaaliya, Muuse Geelle Yuusuf ayaa beeniyay warar sheegaya inay doonayaan inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee uu tirsigiisu yahay HOP086, kaas oo uu doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasin Xaaji Daahir.
Ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyada doorashada ka dib markii ay soo idlaatay howshii loo igmaday.
Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga la kala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada ra’iisul wasaaraha.
Waxaa uu sheegay in ay sharci tahay in la kala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.
Home Wararka Soomaaliya Guddiga doorashada Soomaaliya oo beeniyay in ay fasaxeen kursiga Fahad Yasin