Guddiga badbaadinta wariyaasha ee (CPJ) ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 15 wariyaal ah tani iyo markii Xamaas ay weerar fulisay 7-dii bishan ka dibna Israa’iil ay xoojisay howlgallada falcelinta ee aargoosiga ah.
Waxaa uu guddigan xusay in wariyaashan ay isugu jiraan 11 u dhashay Falastiin, 3 Israa’iil ah iyo mid u dhashay Lubnaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wariye kale oo Falastiini ah maanta lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay marinka Qaza.
Sidoo kale waxaa la dhaawacay 8 wariyaal ah, saddex ayaa la waayay ama la xiray sida ay sheegtay CPJ.