Guddiga qaabilsan xaqiijinta cadaaladda ee dhanka maamulka ee (CAJ) ayaa sheegay in maamulka isbitaalka guud ee gobolka Xeebta ee Coast General laga doonaya inuu toddobaad gudihiisa ku faahfaahiyo dhimashada saddex bukaan oo laga soo tabiyay xaruntaasi caafimaad.
Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in Kimanzi Mwangi oo 81 sano jir ahaa , Tito Mutua (45 sano ) iyo Mariam Chai ay geeriyoodeen 2-dii bishan Afaraad ee April.
Waxaa taasi loo aaneeyay gaabad ku yimid oksijiinka oo ka dhashay dayactir lagu sameynayay agabkaasi.
Guddiga CAJ ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid baalmarsan xeerarka caafimaadka.
Waxaa uu guddigu xusay in ay jirto eedeyn ah in bukaannada geeriyooday loo diiday daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Kalkaaliyaasha ayaa lagu eedeyay in aynan saddexda qof siin caawimaadii ay u baahnaayeen.
Guddoomiyaha guddiga CAJ ,Charles Duo ayaa bayaan uu soo saaray ku dalbaday in isbitaalka guud ee gobolka Xeebta laga doonaya inuu soo saaro warbixin faahfaahsan oo ku aaddan howlihii dayactirka qalabka oksijiinka ee la qorsheeyay dhimashada bukaannada ka hor iyo habraacyadii la adeegsanayay.
Sidoo kale , madaxa fulinta ee isbitaalkaasi ayaa la faray inuu tallaabo dhanka nidaamka ah ka qaado shaqaale kasta oo mas’uuliyadiisa dayacay oo uu dejiyo tallaabooyin mustaqbalka looga hor tagaya dhacdadaasi oo kale.