Guddiga caafimaadka xoolaha ee Kenya (KVB) ayaa shaaca ka qaaday in bishan ay qiimeyn ku sameyn doonaan 10 dowlad deegaan.
War qoraal ah oo ay soo saareen guddiga ayaa lagu xaqiijiyay in qimaynta ay socon doonto Isniinta,12-ka May 12,ilaa Jimcaha,23-ka bishan iyadoo ay sameynayaan labo kooxood.
Sida laga soo xigtay KVB, kooxda koowaad ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doontaa ismaamullada Kisii, Nyamira, Migori, Homa Bay, Siaya iyo Kisumu, halka kooxda labaad ay qiimeyn ku sameyn doonto dowlad deegaannada Embu, Kirinyaga, Murang’a, Meru, iyo Nyeri.
Guddiga ayaa waxaa uu xusay in xaruumaha caafimaadka xoolaha ee gobolladan loo baahan doono in ay u muujiyaan shati shaqo oo sax ah 2025, kaarka haynta iyo shatiga waaxda Caafimaadka Xoolaha (VMD).
Intaa waxaa dheer, marka loo eego guddiga, xirfadlayaasha waxaa looga baahan doonaa inay lahaadaan armaajo qufulan oo loogu talagalay daawooyinka qorista kaliya iyo faylka daawada.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa maalmo kadib markii guddiga bayaan uu soo saaray Talaadadii 22-kii bishii hore ee April uu ka soo saaray digniin ka dhan ah shaqaaleysiinta dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee aan ruqsada haysan, iyagoo xusay in shaqaaleysiinta shakhsiyaadkaas ay ka hor imanayso sharciga.
Sida laga soo xigtay guddiga, dadka loo shaqeeyo ee lagu qabto shaqaaleysiinta dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee aan shatiga u haysan ama xirfad-yaqaanka caafimaadka xoolaha ayaa mutaysan doona, marka lagu xukumo, ganaax aan ka badnayn 100,000 ama xarig ugu yaraan hal sano ah, ama labadaba.
KVB waxa ay uga digtay dadwaynaha in ay ku dhaqmaan sidii dhaqtar xoolaha ilaa ay ka diiwaan gashan yihiin oo ay dawlada shati siisay.
Marka loo eego KVB, shaqsi kasta oo aan magaciisa ka soo muuqan diiwaanka ku habboon wixii ka dambeeya 31-da bisha saddexaad ee sanad kasta waxaa loo aqoonsan doonaa mid aan ka diiwaan gashanayn Sharciga Dhakhaatiirta Xoolaha iyo Sharciga Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha.
Home Wararka Kenya Guddiga Caafimaadka Xoolaha ee Kenya oo sameeyni doono Qiimaynta U Hogaansanaanta ee...