Guddiga arrimaha caafimaadka ee golaha barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa kulan la qaatay ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU.
Waxaa shirka ka qayb galay mas’uuliyiinta dhakhatiirta , guddoomiyaha guddiga caafimaadka CoG Muthoni Njuki iyo dhigiisa arrimaha shaqaalaha ahna barasaabka Nairobi , Johnson Sakaja.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray ka hor tagga shaqo joojin ay dhakhaatiirta sheegeen inay ku dhaqaadi doonaan bisha koowaad ee sanadka soo socdo.
Ururka KMPDU ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ku heshiiyeen in shir kale uu qabsoomo ka hor ama 5-ta bisha Jannaayo ee 2023-ka si wada hadallada loo dhameystiro.
Sidoo kale waxay isla garteen in la soo bandhigo macluumaadka la xiriira heshiis ku saabsanaa mushaar kordhin oo la saxiixday sanadkii 2017-kii.