Guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee JSC ayaa shaaciyay inay bannaan tahay jagada madaxa diiwaangelinta ee waaxda cadaaladda wadanka .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddo xileedka Anne Amadi oo jagadan haysay muddo toban sano ah uu ku egyahay 13-ka bisha koowaad ee sanadka 2024-ta.
Waxaa Amadi jagadan loo magacaabay 11-kii bishii Koowaad ee sanadkii 2014-kii ka dib in ka badan 20 sano oo ay ahayd qareen la shaqeysa maxkamadda sare ee dalka.
JSC ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in cid kasta oo daneynaysa inay noqoto madaxa diiwaanka ee waaxda cadaaladda dalka ay haysato ilaa 13-ka bisha 11-aad ee sanadkan oo ay codsigeeda soo dirsan karto.