Guddiga adeegga garsoorka oo magacaabay qaadiga guud ee dalka

0
274

Guddiga adeegga waaxda garsoorka dalka ee JSC ayaa Athman Cabdulxaliim Xuseen u soo magacaabay inuu noqdo qaadiga guud ee Kenya.
Athman ayaa laga soo xushay shan qof oo isugu soo haray tartanka jagadan loogu jiray.
Guddiga JSC ayaa arrinkan ku xaqiijiyay bayaan uu soo saaray.
Waxaa uu beddelaya Sheekh Axmed Muhdhar oo howlgab noqday muddo 12 sano ka dib maadaama uu gaaray da’da howlgabnimada ee 60-ka sano ah.
Guddiga JSC ayaa kenyaanka uga mahadceliyay sida ay uga qayb qaateen shaqaaleysiinta qaadiga guud ee dalka.