Guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ,Anthony Muchiri ayaa xildhibaannada baarlamaanka dalka ku boorriyay inay eegaan tabashooyinka la xiriira isku dheellitirka matalaadda qowmiyadaha wadanka marka la shaqaaleysiinaya howlwadeennada kala duwan.
Muchiri ayaa xilli uu hor tagay guddiga baarlamaanka ee arrimaha wadajirka qaran , sinnaanta fursadaha iyo isdhexgalka gobolka sheegay in ay lagama maarmaan tahay dhaqangelinta qodobbo ku xusan warbixin qiimeyn ah oo uu guddiga PSC soo saaray sanad maaliyadeedkii 2022/2023-kii.
Waxaa uu intaasi ku daray inay guulo ka gaareen xaqiijinta matalaad siman, isku dheellitirka jinsiyadeed iyo in kenyaanka fursad siman loo siiyo fursadaha shaqo ee ka bannaan waaxyaha dowladda.