Guddiga adeegga baarlamaanka oo meesha ka saaray shaqaaleysiin qorshaysnayd

0
418

Guddiga adeegga baarlamaanka ee (PSC) ayaa joojiyay qorsho ku aadanaa howlgelinta 38 qof oo ilaalo ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa toddobaadyo un ka dib markii codsiyada la furay.
Waxaa la filayay in saraakiishan ay qaabilsanaadaan fulinta xeerarka amni ee baarlamaanka sida roondooyinka , xakameynta gelidda baarlamaanka, fidinta gurmadka ugu horreeya iyo waajibaad kale.
PSC ayaa wargelin ay soo saartay ku sheegtay in la baajiyey shaqaaleysiinta sidaasi awgeedna ay ka qoomamoonaysa saameyn kasta oo ka dhalata go’aankan.
Xoghayaha PSC Jeremiah Nyegenye oo qoraalkan saxiixay ayaa sheegay in la soo afjaray geeddisocodka shaqaaleysiinta ilaalada in kastoo uunan shaacin sababaha keenay in go’aankan la qaato.