Guddi soo jeediyay in xilka laga qaado Irene Masit oo ka tirsan IEBC

0
288

Guddiga uu hoggaamiyo garsoore Aggrey Muchelule ee uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo afar sarkaal oo ka tirsanaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa ku taliyay in Irene Masit oo shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyay ay xafiiska banneyso.
Haweeneydan ayaa ka mid ahayd saraakiisha sar sare ee IEBC ee lagu eedeyay inay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore khakhal geliyeen ku dhawaaqidda natiijadii doorashada guud.
Xubnaha guddiga ayaa baaritaano uu muddo waday ka dib hoosta ka xarriiqay in Irene Masit aynan muujin habdhaqanka laga doonayay ka dib markii ay soo baxday inay taageertay xeelad la rabay in uu ku guulaysto Raila Odinga inkastoo dhanka codadka la dhiibtay uu uga badnaa William Ruto sida uu sheegay guddoomiyihii doorashooyinka Mr. Wafula Chebukati.
Warbixinta Muchelule waxaa ku cad in Masit ay baal martay xeerarka dastuuriga ah.
Waxay intaasi ku dareen inay ku qanceen caddeymo loo soo bandhigay oo ka dhan ahaa haweeneydan.
Saddexda kale ee eedeysnaa balse is casilay ayaa kala ahaa Juliana Cherera, Francis Wanderi iyo Justus Nyagaya .
Madaxweynaha oo guddigan soo magacaabay ayaa hadda laga sugaya tallaabada xigta ee uu qaadi doono.