Guddi shaqaaleysiinaya agaasimaha dacwad oogidda oo maanta la dhaarinaya

0
210

Waxaa lagu wadaa in maanta la dhaariyo guddi ka kooban toddobo xubnood oo ka shaqeyn doono in la howlgeliyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.
Shakhsiyaadkan oo uu toddobaadkii hore magacaabay madaxweyaha dalka William Ruto ayaa waxaa ka mid ah xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha dalka ee (COTU) Francis Atwoli, madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak.
Waxaa sidoo kale guddigan ku jiro xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda adeegga dadweynaha Mary Kimonye iyo shakhsiyaadka kala ah Shadrack Mose, Mary Adhiambo, Roseline Odede iyo Richard Onsongo.
Tani ayaa timid ka dib markii Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji oo xilkan hayay loo magacaabay agaasimaha adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.