Guddi ka tirsan baarlamaanka oo dhageysan doono dacwad laga gudbiyay Uhuru

0
394

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan dhageysiga dacwadaha dadweyne ayaa la filayaa inuu dhageysto dacwad laga gudbiyay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa dacwaddan geeyay xoghayaha guud ee ururka u dooda ilaalinta xuquuqda macaamiisha isticmaalo badeecooyinka kala duwan ee COFEK Stephen Mutoro.
Waxaa uu ku doodaya in maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta uu maalmihii ugu dambeeyay adeegsaday lacag dhan 55 bilyan oo shilin.
Mutoro ayaa xusay in lacagtan la isticmaalay intii u dhexeysay bilihii toddobaad iyo Sagalaad ee sanadkii hore .
Xoghayaha guud ee COFEK ayaa ku doodaya in maamulkii Jubilee uu dhaqaalahan isticmaalay iyadoo uunan baarlamaanka ansixin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xilligii kala guurka uunan jirin isla xisaabtan ku aaddan adeegsiga dhaqaalaha dowladda.
Stephen Mutoro ayaa sheegay inuu walaac ka muujinaya in dowladdii hore ay lacagtan isticmaashay xilli dalka lagu leeyahay deymo shisheeye sidoo kalena uu jir sicir barar .
Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inuu xaqiijiyo eedeymaha ka dhanka ah maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta.