Guddi ka shaqeynaya qiimeynta waxqabadka ismaamullada oo la magacaabay

0
507

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay guddi ay xubno ka yihiin shakhsiyaad magac leh oo loo xilsaaray dardargelinta qiimeynta dowladaha ismaamullada si gaar ah sida ay ugu adeegaan dadweynaha.
Xubnaha guddigan ayaa saddexda sano ee soo socoto arrimahan ka shaqeyn doono.
Waajibaadkooda shaqo waxaa ka mid ah inay xaqiijiyaan in qiimeyntu ay tahay mid dhexdhexaad ah , wax ku ool ah sidoo kalena lagu kalsoonaan karo.
Xubnaha guddigan ayaa kala ah Prof. Olive Mugenda, Eliud Wabukhala, Ambasadoor Rukia Axmed Subow ,Dr. John Kakonge, Dr. Josephine Kulea, Dr. Wanjiru Kamau, Dr. Xasan Bashir, Mr. Pete Ondeng iyo Mr. Salesa Adano Abudo.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo uu matalayay madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Dr. Joseph Kinyua ayaa shakhsiyaadkan uga mahadceliyay inay si iskood ah oo ay muwaadinnimo ku dheehan tahay u shaqeyn doonaan.
Nidaamkan ayaa horseedaya in barasaabyada ay qiimeyn isku sameyaan dhexdooda halka madaxtooyadu ay kormeere ka noqonaysa.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah waxyaabaha qiimeynta ka soo baxo oo dadweynaha ay aragtidooda ku biirinayaan in la dhaqangeliyo si loo wanaajiyo adeegyada loo fidiyo bulshada ee ismaamullada wadanka.