Guddi ka kooban 7 garsoorayaal oo dhagaysan doono dacwad la xiriirta BBI

0
463

Madaxa maxkamadda racfaanka ee dalka Daniel Musinga ayaa sheegay in isaga oo oggolaansho ka haysto madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome uu soo magacaabi doono guddi ka kooban 7 garsoorayaal oo dhageysanaya racfaan laga qaadanaya go’aan maxkamadda sare ay ku laashay qorshaha BBI.
Tani ayaa timid ka dib markii saaka garsoorayaasha ka howlgalo maxkamadda racfaanka ee dalka ay yeesheen kulan ku saabsanaa qaabka ay u maareyn karaan dacwado dhowr ah oo loo gudbiyay.
Shirka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee maxkamadda ugu sarreysa Kenya ee Supreme Court.
Garsoore Musinga ayaa xusay in dhageysiga dacwadaha racfaanka ee la xiriira hindise sharciyeedka BBI la billaabi doono dhammaadka bisha lixaad ee sanadkan .
In kasto oo uunan cayimin taariikh rasmi ah waxaa uu xusay in xilliga ugu horreeya ee ay suuragal tahay in dhagaysiga racfaanka laga qaadanaya BBI uu billowdo ay tahay 23-ka bishan lixaad.
Qareenada matalaya dhinacyada kala duwan ayuu ku wargeliyay in ay isku diyaariyaan ka qayb galka kiiskan.
Dhanka kale waxaa uu mas’uuliyiinta waaxyaha kala duwan ee dowladda ka codsaday in ay is qadariyaan oo uusan jirin mid faragelinaya madax banaanida maamul kale.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu waaxda garsoorka ee dalka ku dhaliilay in ay isku dayayso in ay hor istaagto rabitaanka shacabka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ay amartay in cid kasta oo dood ka qabto go’aankii 13-kii bishii hore lagu buriyay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI ay isa soo xaadiriso.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddi ka kooban 5 garsoorayaal ah uu isku raacay in qorshaha BBI uu sharci darro yahay maadaama aan lagu soo dhisin qaab waafaqsan xeerarka dalka.
Xaakinnada ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ku dhaliilay inuu ku xadgudbay dastuurka wadanka maadaama uu billaabay hannaanka sharciga lagu beddelaya.
Garsoorayaasha ayaa sidoo kale xusay in guddiga doorashooyinka ee IEBC uusan awood dastuuri ah u lahayn inuu fuliyo isbeddel masiiri ah iyada oo ay jiraan xilal sare oo weli ka bannaan guddiga sidaas awgeedna kooraamkiisu uusan dhameystirnayn.
Waxaa dacwado racfaan ah oo ay kaga soo horjeedaan go’aanka maxkamadda sare, garsoorayaasha hor dhigay xeer ilaaliyaha qaranka Paul Kihara Kariuki , madaxa xisbiga ODM Raila Odinga,xoghaynta BBI sidoo kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.