Guddi isku-dhaf ah oo loo xil saaray maareynta imtixaannada

0
123

Dowladda dhexe ayaa guddi isku dhaf ah u xil saartay maareynta imtixaannada qaran ee sanadkan si loo hubiyo in natiijada ka soo baxdo ay tahay mid lagu kalsoonaan karo.
Saraakiisha guddigan ayaa ka kooban kuwa wasaaradda waxbarashada ee dalka , guddiga adeegga barayaasha ee TSC, wasaaradaha warfaafinta, isgaariinta iyo tiknolojiyadda iyo arrimaha gudaha iyo golaha imtixaannada qaran ee KNEC.
Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in howlwadeennadan laga doonayo inay iska kaashadaan ka hor tagga falalka wax isdaba marinta ama khiyaanada ee imtixaannada.
Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in guddigan isku dhafka ah uu sida habboon u maareyn doono imtixaannada fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE, , kuwa fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE iyo qiimeynta lagu sameynaya ardayda dhameeyay fasalka 6-aad ee Grade 6 ee loo yaqaano KPSEA .
Mudavadi ayaa dhanka kale wasaaradda waxbarashada ee dalka ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixinaysa xaqiijinta habsami u socodka imtixaannada guud ahaan wadanka.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guulaysan doono manhajka waxbarashada ee ardayda xilli hore looga soo dhisaya dhanka xirfadaha ee CBC.
Mudavadi ayaa sidoo kale guul u rajeeyay dhammaan ardayda maanta billaabay inay u fadhiistaan imtixaannada shahaaddiga ah.
Waxaa qiimeynta fasalka 6-aad ee KPSEA sameynaya arday dhan 1.2 milyan halka imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ay sameynayaan 1,415,315 oo arday ah.