Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa wasaaradda waxbarashada iyo guddiga adeegga macallimiinta ee (TSC) ku amray inay soo dhisaan guddi farsamo oo hoggaamin doono dhaqangelinta soo jeedinnadii guddigii uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo hannaanka tacliinta ee wadanka.
Gachagua ayaa amarkan bixiyay ka dib markii uu mas’uuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda waxbarashada iyo guddiga TSC uu kula kulmay hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu arrin laga wanaagsan yahay ku tilmaamay in labada dhinac ay wadaan isbeddello is barbar socdo.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga farsamo ee la soo magacaabaya uu ka shaqeyn doono sidii loo adeegsan lahaa hal istaraatiijiyad oo lagu tixgelinaya waajibaadka iyo baahiyaha ka dhex jiro wasaaradda waxbarashada ee dalka, guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyo daneeyayaasha kale ee howlaha tacliinta.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay inay la shaqeyso TSC si looga dhabeeyo isbeddellada ka jawaabaya baahiyaha dhanka tacliinta ee dalka.