Guddi cusub oo loo sameeyay baaritaanada ka dhanka ah isbitaalka mediheal

0
387

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Ducaale ayaa xaqiijiyay in aan la faragelin doonin baaritaanada lagu hayo eedeymaha ka ganacsiga xubnaha jirka ee uu wajahayo Isbitaalka Mediheal Group.
Ducaale, oo si rasmi ah u daah-furay 13-xubnood oo ah guddiga madaxa-bannaan ee baarista kiisaskaas, ayaa sheegay in baaritaannada ay noqon doonaan kuwa ku dhisan runta iyo cadaalada.
Ducaale, oo todobaadkii hore shaqada ka joojiyey laba sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kadib markii ay markii ay faragalin ku sameeyeen guddiga baarista ee la sameeyay sanadkii 2023-ki ayaa sheegay in guddiga hadda la as aasay ay yihiin kuwa madax banaan oo baaritaan ku sameyn doonaa dacwadda ka dhanka ah isbitaalka Mediheal.
Markii ay baaritaanadu bilowdeen, wasiir Ducaale waxa uu joojiyay dhammaan adeegyada caafimaad ee qeybta Kilyaha isbitaalka Mediheal.