Guddi baaritaan ku billaabaya isbitaalka Mediheal

0
373

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta la billaabo baaritaanno dabagal oo ka dhan ah isbitaalka Mediheal .
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale uu guddi u saaray inuu baaritan ku sameeyo eedeymo loo jeediyay xarunta dhexe ee isbitaalka Mediheal ee magaalada Eldoret.
Eedeynta ayaa ah in ay jiraan khaladaad aan waafaqsanayn habraacyada u degsan in qofka bukaanka ah killida loo beddelo.
Maamulka isbitaalka ayaa horay eedeynta loo jeediyay iskaga fogeeyay.
Waxaa guddiga baaritaanka sameynaya hoggaaminaysa Prof. Elizabeth Bukusi waxaana la filayaa inuu kal-fadhi ku yeesho ismaamulka Vihiga.
Sidoo kale , kulamada guddiga ayaa lagu qaban doonaa ismaamullada Bomet, Meru, Uasin Gishu, Kisii, Nakuru, Kisumu, iyo Nairobi.
Kal-fadhiga ugu dambeeya ayaa 27-ka bishan ka dhici doono Mombasa.