Guddi uu hoggaaminaya garsoore Aggrey Muchelule ayaa soo afjaray kal-fadhiyadiisi.
Xubnaha guddigan oo uu magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto ayaa baaritaano ku sameynayay Irene Masit oo ka mid ah saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Waxay ka mid ahayd afar sarkaal oo lagu eedeyay inay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore khalkhal geliyeen natiijadii doorashada guud ka dib markii ay ku gacan seyreen tiradii uu shaacinayay guddoomiyihii IEBC Wafula Chebukati.
Ka dib markii uu hoggaamiyaha dalka soo saaray amar si ku meel gaar ah shakhsiyaadkan shaqada looga joojiyay ayaa waxaa is casilay saddex ka mid ah Juliana Cherera, Francis Wanderi iyo Justus Nyang’aya .
Hasa ahaate Irene Masit ayaa doorbidday in kiiskeeda uu dhageysto guddiga uu hoggaaminaya garsoore Aggrey Muchelule iyadoo uu matalaya qareenkeeda Donald Kipkorir.
Guddiga ayaa sheegay inuu madaxweynaha dalka u gudbin doono warbixin marka uu soo gabagabeeyo soo jeedinnadiisa ama waxyaabaha uu ku talinaya in la sameeyo.




