Guddi baaraya eedeyn ka dhan ah garsoore Chitembwe oo la dhaariyay

0
497

Madaxa cadaaladad dalka ayaa maanta dhaarisay xubnaha guddi ka kooban 7 qof oo baaritaano ku sameyn doono eedeyn loo jeediyay garsoore Saciid Juma Chitembwe oo ka shaqeynayay maxkamadda sare ka hor inta aan shaqada si ku meel gaar ah looga joojin.
Xaakinka ayaa loo haystaa inuu laaluush qaatay xilli uu kiis go’aaminayay.
Xubnaha guddiga ayaa lagu dhaariyay xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Tallaabada uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta shaqada uga istaajiyay garsoore Chitembwe ayaa timid ka dib markii uu guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee (JSC) uu ku taliyay in xaakinka laga saaro xafiiska.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in eedeymaha lala wadaagay ay yihiin kuwo culus oo dhaawacaya kalsoonida ay kenyaanka ku qabaan maamulka garsoorka.
Xubnaha guddiga baaritaanka sameynaya ee maanta la dhaariyay ayaa waxaa guddoomiye u ah garsoore Mumbi Ngugi halka xubnaha ay kala yihiin garyaqaan sare Dr. Fred N. Ojiambo , garsoore Abida Ali Aroni, garsoore Nzioki wa Makau, James Ochieng’ Oduol, Jackson W. Ndung’u iyo Dr. Lydia Nzomo .
Waxaa horay maxkamadda loo geeyay afar dacwadood oo ay kala gudbiyeen barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko, Francis Wambua, Imgrad Geige iyo David Leboo Ole Kilusu oo dhammaan doonaya in xilka laga qaado garsoore Saciid Juma Chitembwe.
Madaxa cadaaladda dalka ayaa xubnaha la dhaariyay kula dardaarantay inay waajibaadkooda sida habboon u gutaan iyagoo aan la cadaadin ama cidna u daneyn.
Guddoomiyaha guddihan Mumbi Ngugi ayaa dhankeeda ballanqaaday inay raaci doonaan nidaamyada cadaaladda ee dastuuriga ah si xaakinka haddii dembi lagu waayo uu shaqadiisa u sii wato.