Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay sanad gudihiis ku sameyn doonto taleefoonnada casriga ah oo uu qiimaheedu jaban yahay.
Waxaa uu sheegay in taleefoonnadaasi casriga ah ay qiimahoodu noqon doonaan wax ka yar shan kun oo shilinka dalka ah.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa sheegay in haysashada taleefoonnada casriga ah ee jaban ay xaqiijinayso in dhammaan dadka kenyaanka ah ay heli karaan aaladaha dhijitaalka ah ee ganacsiga iyo helitaanka adeegyada dowladda.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay shirkadaha isgaarsiinta kala shaqeeneyso sidii ay ula imaan lahayeen qalab jaban oo wax walba lagu qaban karo.
“Maanta taleefanka casriga ah ee ugu jaban wuxuu qiimihiisu dhexeeya 10,000 ilaa 15,000 shilin, waxaan rabaa in aan dalka u ballanqaado in 8 ilaa 12-ka bilood ee soo socda aan heli doono taleefoonnada casriga ah ee ugu jaban qaaradda Afrika, kaas oo lagu farsameeyay Kenya,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.




