Golayaasha ismaamullada oo soo afjaray shaqo joojin

0
314

Ururka ay ku mideysan yihiin xubnaha golayaasha hoose ee ismaamullada dalka ayaa soo afjaray shaqo joojin ay mas’uuliyiintan ku guda jireen.
Tani ayaa saameysay 35 ka mid ah galayaasha dowlad deegaannada wadanka.
Xoghayaha Guud ee ururkan ,Stanley Karanja ayaa sheegay inay meesha ka saareen gadoodkii shaqo si ay fursad u siiyaan wada hadallada kala dhexeynaya guddiga arrimaha dowlad wadaajinta ee aqalka sare iyo guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu Karanja shaqo joojinta shaaciyay.
Waxay xilligaasi sheegeen in guddiga SRC uunan tixgelin codsi ay u gudbiyeen oo ahaa inuu dib u eegis ku sameeyo hannaanka mushaaraadka.
Karanja oo warfidiyeennada kula hadlay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa dhamaan wakiillada deegaannada hoose ugu baaqay in laga billaabo berri ay shaqooyinkoodi sii wataan.
Wakiillada ayaa gaashaanka u daruuray mushaar kordhin ahayd 10,000 oo shilin oo uu u sameeyay guddiga SRC taasoo ay xaqiraad ku sheegeen.