Golaha wasiirrada Sri Lanka oo mamnuucay in indha-shareerka lagu xirto goobaha dadweynaha

0
447

Golaha wasiiradda dalka Sri Lanka ayaa ansaxiyay xeer dhigaya in ay mamnuuc tahay in indha-shareerka ama niqaabka lagu xirto goobaha dadweynaha.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay sababo amni in kasta oo khuburo ka tirsan qaramada midoobay ay horay u sheegeen in xeerkan uu ku xadgudbaya shuruucda caalamiga ah.
Soo jeedinta uu ansaxiyay golaha wasiirada ee dalkaas ayaa ka timid wasiirka amniga bulshada Sarath Weerasekera.
Waxaa hadda loo gudbinayaa xeer ilaaliyaha guud ee Sri Lanka iyada oo ay Khasab tahay in baarlamaanka uu meel mariyo si uu u noqdo xeer wadankaasi looga dhaqmo.
Waxaa suurtagal ah in soo jeedintan si fudud looga ansaxiyo baarlamaanka maadaama maamulka halkaas ka taliyo uu aqlabiyad ku leeyahay.